Dhaqtarkii Dilaaga ahaa iyo Saraakiil Qaraxyo fududeeyay oo saakay xukun dil ah lagu fuliyay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukuno dil ah ku fulisay saddex nin oo la shaqeenayay kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo lagu helay in ay fududeeyeen qaraxyo dad badan lagu dilay iyo weeraro kale.

Fagaare kuyaalla iskool Buluusiya ayaa saakay lagu toogtay Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo sidoo kale Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Xubnahan saakay la dilay ayaa waxaa ku jiray labo sargaal oo horey uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka , kuwaa oo si hoose ula shaqeenayay kooxda Al Shabaab gacana ka geestay weeraro ka dhacay garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale oo Muqdisho katirsan.

Ragan saakay la toogtay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa dhaqtar Fanax oo ahaa nin dhallinyaro ahaa oo dalka dibadiisa wax kusoo bartay, ninkan ayaana ku shaqeyn jiray dhaqtarnimo, waxa uu sidoo kale iska dhigayay sargaal iyo shaqaale dowladeed.

Dr Fanax ayaa wareysi laga qaaday oo habeen hore laga baahiyay warbaahinta dowladda ku qirtay in Al Shabaab sannado badan katirsanaa qeybna ka ahaa weeraro iyo sidoo kale qaraxyo dad badan lagu laayay.

Ragan saakay la toogtay ayaa ahaa kuwa si xirfadeesan Al Shabaab ula shaqeenayay qeybna ka ahaa fududeynta qaraxyo dad badan noloshooda galaaftay, waxa ayna dhammaan ku ganbanayeen shaarka dowladda iyaga oo Al Shabaab la shaqeenayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -